Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dib loo dhigay

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.

Musharaxiinta aan horay isku diwaangalin  ayaa saddex maalmood loo qabtay inay is diiwaan geliyaan, taasoo ka bilaabaneysa 17 bishan kuna eg 19 bishan.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ma shaacin in dib loo dhigay doorashadda guddoonka baarlamaanka oo lagu waddo in ay maanta ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale, Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaan waxba ka badalin shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo xubno kale oo uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo, ayaa dadaal ugu jiray xalinta Khilaafka ka dhashay doorashadda Jubbaland, iyagoona ka dalbaday Guddiga Doorashooyinka Jubbaland in dib loo furo Is-diiwaangelinta Musharixiinta.