Hafiz Ahmadullah oo lagu dilay weerar ka dhacay Masjid ku yaalla Pakistan

Hafiz Ahmadullah oo ahaa walaalka Hogaamiyaha Kooxda Taliban ee dalka Afghanistan, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarax xoogan oo shalay ka dhacay masjid ku yaalo koonfur galbeed dalka Pakistan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Taliban ayaa sheegay in Hafiz oo imam ka ahaa masjidka uu weerarka dhacay la xaqiijiyay in uu kamid ahaa illaa Afar Ruux oo ku dhintay weerarka oo dhacay iyadoo lagu guda jiro saladii jimca’ha.  

Warbaahinta al-Jaseera ayaa ku warantay in weerarka oo aan la ogeyn kooxda ka dambeysay, ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo kamid ah Ilma Adeerada Hogaamiyaha Taliban.

Masjidka uu weerarka ka dhacay ayaa ahaa goob ay xubnaha Kooxda Taliban kaga hadlaan arimo badan sida xubnaha qaar ee ururkaasi ay al-Jaseera u sheegeen.