Mareykanka oo doonaya inuu qabsado Markab ay lee dahay Iran oo Britain sii deysay

Waaxda Cadaalada ee dalka Mareykanka ayaa warqad xiritaan ah u jartay markabkii shidaalka ee dalka Iran kaasi oo jasiirada Gibraltar amartay in lasii daayo.

Markabka Grace 1 ayaa siday shidaal gaaraya 2.1 milyan oo barmiil waqtigii laqabanayay oo ahayd 4’tii bishii july, iyadoona looga shakiyay in shidaalkaasi uu u siday dowladda Suuriya.

Labo todobaad kadib markii laqabtay markabka Grace 1, Iran ayaa dhankeeda gacanta ku dhigtay 19’kii July markab sitay calanka dalka Britain, kaas oo ay ka qabatay marinka caalamiga ah ee Hormuz.

Inkastoo qabsashada markabkaasi ay Iran ku sheegtay in uu ku xad gudbatay shuruucda caalamiga ah ee badda haddana waxaa la aamin sanyahay in ay jawaab u ahayd markabkii ay Brirain ka qabatay Iran.

Xukuumada jasiirada Gibraltar ayaa sheegtay in ay hubiyeen in markabka Grece 1 uusan shidaal u sidin dalalka ay xayiraada saareen midowga yurub sida Suuriya.

Balse jaiirada Gibraltar iyo dowladda Britain ayaana midna wali ka jawaabin hanjabaada kasoo yeertay dalka Mareykanka.