Maxkamadda Sare ee Puntland oo maanta u fariisanaysa Kiiskii Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa in saaka la hor geeyo seddax xukumane oo loo heyso dilkii iyo kufsigii loogu geystay Magaalada Gaalkacyo, Marxuum Caa’sha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir ah.

Saddexda xukmane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, ayaa hore Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay 12-kii May ee sannadkan ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay Maxkamaddu sheegtay in lagu helay kiiska Caa’isha.

Sidoo kale, Rafcaan ay ka qaateen xukunkaas kadib ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal waxay 30-kii June ee sannadkan mar kale ku xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ay Rafcaan kale uga qaateen Maxkamadda sare ee Puntland.

Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa Maanta dhageysan doonta hadal jeedinta Qareenada difaacaya Xukumanayaasha iyo eed soo jeedinta Xeer ilaalinta Puntland, Iyadoona lagu waddo in maalmaha soo socda ay go,aan ka gaarto.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News