Sheekh Cabdi Maxamed oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland

Waxaaa goordhaweyd soo gabagaboobay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, taas oo ay Ku tartamayeen Labo Musharax.

Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa mar kale dib loogu doortay xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, Waxaana uu helay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan 55 cod, halka Xuseen Shiinow Cali oo la tartamayay uu helay 18 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, isagoo helay codod dhan 55 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Xuseen Shiilow uu helay 18 cod.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa isna loo doortay Aadan Khaliif Xaaji oo keligiis tartamayay, waxaana Xildhibaanada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah, maadaama aanay jirin cid la tartantay, Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa loo doortay Cabdi Baalley Cismaan.

22-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota ayaa la filayaa inay ka dhacdo magaalada Kismaayo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.