Shirkii Dub u heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhacay

Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo lagu waday in maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa markii labaad dib u dhac ku yimid.

Shirkan oo horay uu u iclaamiyay Guddiga qaban qaabada Shirweynaha dib u heshiisiinta inuu furmi doono 17 bisha Agosto, kaddib markii fashilmay kii 5 August loo balansanaa ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay.

Wararka ayaa sheegaya inta badan Ergadii ka qeyb geli laheyd shirkaas oo ka socday Beelaha dega Galmudug aanay soo gaarin Dhuusamareeb, taasna ay sabab u aheyd inuu shirka dib u dhaco.

Qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ayaa horay u qaadacay shirkaas, waxaana war ka soo baxay shirka ka socda Hobyo oo ay soo saareen Odayaal iyo waxgarad lagu baaqay in shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb dib loo dhigo.

Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa caqabado badan soo wajahayay maalmihii u dambeeyay, inkastoo qeybo ka mid ah caqabadaha la xaliyay, weli waxaa taagan caqabado ka heysta isu keenida ergooyinka beelaha ka socda.