VIDEO: Kiiska Caa’isho Ilyaas oo waji kale galay & Maxkamadda Sare ee Puntland

Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwadda seddax xukumane ee loo heysto dilkii iyo kufsigii loogu geystay Magaalada Gaalkacyo, Marxuum Caa’sha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir ah.

Eedeysanaha Koobaad ee Kiiska Marxuumad Caasho Ilyaas (Cabdiftaax Cabdiraxmaan Warsame) ayaa Maxkmadda ka hor qirtay inuu Geystay Kufsiga Caasho, Balse uusan ka danbeyn Dilkeeda.

Sidoo kale, Eedeysanaha Labaad (Cabdishakuur Maxamed Dige) ayaa isuguna Iska beriyeelay Falkaasi, Isagoona qirtay in Subaxdii Moobeelkiisa lagu soo diray Lacagta lagu qoday Godka Marxuumad Caasho.

Eedeysanaha Sadexaad (Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame) oo la dhashay Eedeysanaha koobaad Cabdiftaax, ayaa isna Beeniyay inuu wax ka ogyahay dhamaan Kiiskan.

Ugu dambeyntii, Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa Sheegtay iney ku dhawaaqayso Isniinta Soo socota Go’aanka Maxkamadda.