VIDEO: Madaxweyne Deni “Waxaan diyaar u nahay inaan Wada-hadal la galno Somaliland”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay iin Maamulka Somaliland ay wada-hadal kala galaan Degaanada lagu muransan yahay ee Gobalka Sool.

Mdaxweyne Deni ayaa sheegay inay dhacdo in mar mar lagugu qabsado shaatigaaga, ayna Somaliland kusoo xad-gudubtay Dhulka Puntland, balse ay Dowladda Puntland ay diyaar u tahay Wada-hadal iyo Nabad.

“Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa fariintani ka yiri bandhigga buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed (Hore, Hadda iyo Hadhow ) oo ay qortay aqoonyahanad Deeqa Jaamac Col-u-joog, waxa ay qoraysey buuggaasi muddo ku siman 35 sano, waxaana lagu soo bandhigay xarunta 
Hay’adda Cilmi Baarista ‘PDRC’ Garoowe.