Ciidanka DANAB oo ku wajahan Degaanka Toora-Toorow iyo Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa dhaq dhaqaaqyadii u dambeeyay ee guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo saacadihii u dambeeyay howlgallo ka sameeyay deegaano ka tirsan degmada Awdheegle.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano DANAB oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaa la sheegay in wadaan howlgallo ku wajahan deegaanka Toora Toorow iyo deegaanada kale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in ciidamada ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka Toora Toorow iyo deegaanada ku dhow dhow oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii deegaanka Toora Toorow looga saari lahaa Al-Shabaab, isla markaana deegaankaas uu uy ahay xarun weyn.

Guddoomiyaha ayaa soo dhoweeyay guulaha Ciidamada ka gaareen howlgalada iyo sida geesinimada leh ee ay uga hortageen weerarada Al-Shabaab ku soo qaadeen Awdheegle.

Ciidamada xoogga dalka ayaa todobaad ka hor la wareegay degmada Awdheegle oo qiyaastii 70KM u jirta magaalada Muqdisho, howlgalkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo ay ka qeyb qaataan Ciidamada Kumaandooska uu tababaray Turkiga.