Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo si kulul ugu jawaabay DFS iyo BC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay warqado is xig xigay oo shalay ka soo bay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Guddoomiye Xamza Cabdi ayaa sheegay in doorashadii Kismaayo ay u dhacday si cadaalad ah, isagoo meesha ka saaray in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya wax doora uga banaan tahay ka hadlida sax ahaansheheeda ama iney wax ka qaldanaayeen.

“Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhanka kale, Guddoomiye Xamze ayaa ka hadlay qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka, kuwaasoo iyagana muujiyay walaacooda wixii shalay ka dhacay Kismaayo, iyagoo iska diiday mudada yar ee guddiga ku kordhiyeen waqtiga ay qabsoomeyso doorashada oo Saddex cisho ah.

“Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.