Karaash oo banaanka isa soo dhigay

Karaash waxuu soo saaray qoraal ka kooban laba bog oo ku sheegayo in sy sharcidaro yihiin gudiga doorashada ee uu shalay magacaabay Madsxweyne Deni.

Karaash waxuu ucuskaday diidmadiisa in aan lagala tashan magacaabistooda.

Wararka madaxa banaan ee laga helayo carada Karaash,ayaa tilmaamaya in uu ka xanaaqsan yahay diidmo loo diiday in uu magacaabo mid ka mid ah labada xubnood ee beesha Dhulbahante ay ku leeyihiin gudigaas.

Madaxweyne Deni,ayaa magacaabay labada xubnood midkeed,taasoo ah xubinta Dhulbahantaha Hawd.

Marka dastuuriyan la qiimeeyo Karaash xaq uma laha magacaabista xubnaha gudiga doorashada.

Sidoo kale la tashigu mahan waxaan soo jeediyo hala qaato.

Karaash iyo Dhoobo,ayaa waayahanba lagu xamanayay ku xirnaanshahooda Villa Wardhiigley,waxaana la xaqiijiyay dhaqaale kasoo gaaray dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay kooxdaas.