Maxaa kala socotaa Dayaca garoomada diyaaradaha Puntand haysta?

Wasaarada duulista hawada ee Puntland waxaa looga fadhiyaa dib u eegid ay ku samayso lacagaha faraha badan ee la saaro diyaaradaha.

Si gaar ah Duulimaadyada ganacsiga ee toos utaabanaya bulshada,ayaa ubaahan in loo dhimriyo si shacabku ugu dhiirado imaanshaha dhulkooda iyo maalgashigaayna usii socdaan adeega duuulimaad.

Tusaale”

Diyaarada qaada 50-ka qof ee ukala gooshta Garowe-Muqdisho marka ay buuxdo oo dhamaan rakaabkeedu u dhan yahay waxay ku anba baxdaa lacag gaaraysa 7500 oo dolar.

50+150=7500$

7500-taas waxaa agyaal kharashaad fara badan oo saaran duulimaadkaas…

50’+20=1000$ waxaa qaadata shirkada HRM ee amniga qaabilsan.

275-dolar waxaa qaadata D.Puntland oo waa (Land Fee).

700-dolar waxaa qaadata D.Puntland waa canshuurta caadiga ah.

3000-dolar waxay uga baxdaa diyaaradaha shidaalka iyo kharashko kale.

Si guud waxay diyaarad walba oo hal duulimaad kaga baxaysa ama kusoo galaysa garoomada Puntland bixinaysaa lacag gaaraysa 5000 dolar

Halka haday hesho rakaab dhamaystiran ay ka heli karto lacag gaaraysa 7500-oo dolar kuwooda maxaliga ah.

Hadii ay waydo diyaaradu rakaab dhamaystiran sida dhacda inta badan ma samayn karto wax duulimaad ah,waana mida sababta in shirkad walba oo duulimaad ka bilowda garoomada Puntland ay ugu danbayn joojiso duulimaadkeeda.

Si gaar ah caqabadahan ku salaysan dhaqaalaha waxay khatar ku yihiin duulimaadyada ganacsiga ee bulshadu ku xiran tahay.