VIDEO: Maxkamadda Sare ee Puntland oo dhaarisay Garsoorayaal cusub

Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta dhaarisay Garsoorayasha Maxkamadda Darajada Kowaad, Maxkamadda Racfanka iyo Xeer ilaaliyaha Gobolka Mudug, kuwaas oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni.

Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, oo goobta dhaarinta Goobjoog ahaa ayaa sheegay inay wajib tahay dharinta qof walba oo Puntland xil sare ka qabta, si uu dadkii ugu shaqeeyo si hufan.