Diyaarad ay lee yihiin Milateriga Itoobiya oo loo diiday inay ka degto Garoonka Kismaayo

Ciidanka Daraawiish-ta Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, ayaa maanta hor istaagay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Diyaarad nooca Milateriga ah oo ay lee yihiin Ciidanka Itoobiya.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen illaa 100 askari oo katirsan ciidamada kumaandooska ee Itoobiya, kana soo duushay Godey ayaa markii ay soo gashey hawada garoonka Kismaayo waxay maamulka garoonku ku wargeliyeen in aysan soo degi karin, maadaama aan warbixinteeda horey loo haynin.

Wararka ayaa sheegaya, in intaas kaddib ay Ciidamada Itoobiya oo kasoo ruqaansadey xeradooda oo ku taala duleedka Kismaayo, ay isku dayeen inay garoonka diyaaradaha Kismaayo xoog ku galaan si ay diyaaradaasi usoo degto.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee Kenya ayaa ka hor istaagey una diiday inay garoonka gudaha u galaan Ciidamada Itoobiya, waxaana inta uu muranku taagnaa mar kale hawada soo gashey diyaaradii, maamulka garoonka ayaana mar kale ku wargeliyey inay laabato una diiday inay degto.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay in markii ay ku guul-dareysteen galitaanka garoonka iyo soo dajinta diyaaradooda ay dib ugu laabteen xeradooda oo ku taala degaanka madhamaato oo 5-KM u jira Kismaayo.

Diyaaradii miltari ayaa sida wararku sheegayaan caawa waxay ku hooyatey magaalada Baydhabo ee xarunta koonfur galbeed, Iyadoona Barri la filayo inuu Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Tigabu Yilma soo gaaro Magaalada Kismaayo si arrintan looga gaaro xal.