Farmaajo iyo Geelle oo kulan Xasaasi ah yeelaya maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kulan kula yeelanaya Magaalada Jabuuti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa wada hadal ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray Magaalada Jabuuti, kaddib marti-qaad uu ka helay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.