Maxkamadda Sare ee Puntland oo go,aan ka gaaraysa Kiiskii Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta markale u fariisatay wajiga labaad ee dacwada la xiriirta falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

Maxkamada ayaa haatan dhageysanaysa eedeymaha loo jeediyay Xubnaha horay loogu xukumay iyo qareenada u doodaya eedeysanayaasha,waxaana la filayaa in Maxkamada Sare ay Maanta go’aan ka gaarto kiiskaas.

Saddexda Nin ee loo feystay falkaas oo lagu kala Magacaabo Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal,hayeeshee ay racfaan ka qaateen.

Mid kamid ah eedeysanayaasha ayaa sabtidii Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ka hor qirtay inuu kiiskan ka qeybgalay, wallow uu iska fogeeyay in falka dilka ah uu Goobjoog u ahaa.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil news