VIDEO: Maxkamadda Sare Puntland oo dib u dhigtay ku dhawaaqiska Go,aanka Kiiska Caa’isho

Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ee  ayaa markale dib u dhigtay ku dhawaaqista Kiiska Marxuumad Caasho ilyaas, Iyadoona sheegtay in loo mudeeyay Khamiista 22-ka bishan.

Maxkamada ayaa saaka markale dhageysatay dacwadaha ay kala qabaan  labada dhinac gaar ahaan Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay, waxaana Maxkamada  ay ku dhawaaqday in 22-ka bishan la dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto.