Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay Sanaag

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland iyo kuwa Somaliland, ayaa ka dhacay Degmada Hadaftimo oo dhanka galbeed kaga beegan Badhan oo ah xarunta Gobalka Sanaag ee Puntland.

Dagaalkan oo ahaa mid socday muddo kooban, ayaa yimid kaddib markii Guddoomiyaha Badhan ee Somaliland oo kasoo kicintimay Hargeyso uu damcay inuu xoog ku galo Degmada Badhan oo ay u diideen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed, Iyadoona uu geeryooday Labo Askari oo labada dhan katisan, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, Ciidanka Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Gaarigii Gudoomiyaha Badhan ee dhanka Somaliland, waxaana la sheegay inuu goobta ka fakaday Guddoomiyuhu, oo dib ugu laabtay Ceerigaabo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News