Jubaland oo xirtay guud ahaan xuduudaheeda (War-saxaafadeed)

Guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 20/08/2019 soo saaray amarro horleh oo ku aadan sugidda amniga magaalada Kismaayo ee maalmaha doorashada.

War-saxaafadeed uu soo saaray guddiga amniga Jubbaland ayaa waxaa la mamnuucay in garoonka diyaaradaha, Gaadiidka badda iyo barigga midna aan laso gali karin muddada lagu jiro doorashada.