VIDEO: Guddoomiye Mursal “Puntland waxay u soo dul-qaadatay Dowladnimada Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan, ayaa ku ammaanay Dowladda Puntland sida ay Hormuudka ugu tahay Hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay muddo u soo samreysay raadinta Dowladnimada Soomaaliya, haatana ay saldhig u tahay nidaamka Federaalisimka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa meesha ka saaray inuu imaan karro Khilaaf dhex mara Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in DF iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhexeeyo Dastuur, kaas oo loo baahan yahay in si hufan loogu wada-shaqeeyo.