VIDEO: Labo kamid ah Musharixiinta Jubbaland oo Tanaasulay

Labo kamid ah Musharixiinta Doorashada Xilka Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Jubbaland, oo Saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa ku dhawaaqay inay ka Tanaasuleen Doorashada Jubbaland.

Axmed Cabd oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tanaasulay islamarkaana go’aansaday in uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale, Musharaxa xilka Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Xiis ayaa shaaciyey inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.