Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirada Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Gobolka Banadir oo muddo 4 maalmood ah kulan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray warmurtiyeedkan oo ka kooban 11 qodob.

Shirka waxaa ka qeyb galayay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Mudane Cali Xasan Axmed, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka, hanuunta iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawa), Wasiirka Warfaafinta, hindaha, dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiin ka socota Dowlad Goboleedka Jubaland, Agaasimeyaasha guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta ee Wasaaradaha Warfaafinta, xeel-dheerayaal Warbaahinta iyo Wacyigelinta Bulshada iyo madaxda kale.