Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Sh/hoose

Dagaal culus ayaa xalay ku dhex maray duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhigga Ciidamada, iyadoo halkaas labada dhinac dagaal muddo socday uu ku dhex maray.

Taliyaha Amniga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab ay ku guuldareysteen, lana iska difaacay, isagoo xusay in xogta weerarka ay hayeen, kana feejignaayeen.

Waxaa uu sheegay in afar dagaalame uga dileen Al-Shabaab, halka dhankooda uu askari kaga dhaawacmay, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijisay sheegashada sarkaalkaas.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyay culeys kala kulmaya Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee sida gaarka u tababaran, kuwaasoo kala wareegay deegaano dhowr ah, waxaana dagaaladii u dambeeyay Al-Shabaab soo gaaray khasaare xooggan.