James Swan oo Golaha ammaanka QM u jeediyay Warbixin ku saabsan Doorashada Jubbaland

James Swan Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey  u qaabilsan Soomaaliya oo goor dhow Khudbad uu jeediyay Shirka golaha ammaanka kaga hadlay xaaladda doorashada Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Amb. James Swan ayaa sheegay in wali ay qabaan Walaac ku aadan doorashadda maamulka Jubbaland, laakiin uu waqtigu aad u gaaban yahay, islamarkaana loo baahan yahay in si weyn loo tixgaliyo Madax banaanida doorashadda Jubbaland.

Waxaa uu tilmaamay inay boorinayaan hanaan doorasho oo mid ah islamarkaana la isku raacsan yahay oo ka dhaca Jubaland uuna ugu baaqayo dhammaan xubnaha ku sugan degaanada Jubbaland in ay muujiyaan tanaasul.

“QM iyo saaxiibada caalamka waxay dhammaan dhinacyada ku booriyeen inay sameeyaan isu tanaasul iskuna raacaan waddo horey loo qaado, balse nasiib darro waqtiga ayaa aad u gaaban” ayuu James Swan u sheegay golaha ammaanka.

Dhanka kale, Wakiilada matalaya xubnaha 15-ka dal ee Golaha ammaanka ayaa khudbado ay uga hadleen xaalada Soomaaliya ka jeediyay, sida Wakiilada Ingiriiska iyo Mareykanka.