Kenya oo kaga guuleysatay Jabuuti Kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka QM

Dowlada Kenya ku guulesatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kadib markii  cod loo qaaday.

Kursigan oo ka mid ah 10-ka kursi ee kor joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ku loolamayay dowladaha Kenya iyo Jabuuti.

Wakiillada Guddiga joogtada ah ee Midowga Afrika ayaa u qaaday cod qarsoodi ah,waxaana ay ku dhawaaqeen in kursigaas ay ku guuleysatay Dowladda Kenya iyaga oo aan shaacin natiijada.

5tii Bishan codeyn ay qaadeen Midowga Afrika ayey Kenya ku fashilantay in ay gaarto saddex meelood labo meel oo laga doonayay,waxaana ay heshay 33 cod oo kali ah.

Dawladda Kenya ayaa soo dhoweysay guusha diblomaasiyadeed ee ay gaartay, waxayna uga mahadcelisay Ururuka Midowga Afrika cod-bixinta ay siiyeen.

Ururka Midowga Afrika ayaa magaca Kenya horgayn doona Golaha Ammaanka bisha June ee sannadka dambe, cod-bixin ka dhacaysa New York. Kenya ayaa haddii ay kursigaasi hesho haynaysa laba sano. Kenya ayaa in muddo ah si weyn u doonaysay kursigaasi