Shacabka Degaanka Cabdalla Biroole oo taageeray Axmed Madoobe (Sawirro)

Deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay bannaan bax lagu taageerayo Musharax Axmed Maxamed Islaam.

Dadweynaha bannaan baxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku xardhanyihiin erayo ka turjumaya Midnimada Shacabka Jubbaland.

Maamulka deegaanka Cabdalla Biroole oo dadweynaha la hadlaya ayaa bogaadiyay tillaabooyinka horomarineed ee deegaanku ku tillaabsaday mudadii ay Jubbaland Jirtay.

Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayay ku amaaneen sida hagar la,aanta ah ee ay u garab taaganyihiin shacabkooda,waxa ayna ugu baaqeen in ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay ka dayso faragalinta ay ku heyso arrimaha Jubbaland gaar ahaan hanaanka ay socoto doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 9-kii Bishii July ee sanadkaan kormeer ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay Maamulka iyo waxgaradka deegaanka isagoona halkaasi ka soo fuliyay mashaariic horumarineed.