VIDEO: Dalalkee ka socdaan Ganacsatada kasoo qeyb-galay Shirka maal-gashiga Puntland ?

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maal-gashiga Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso qaban-qaabada Shirka.

Wasiir Cawaash oo la hadlay Tv-ga Puntland, ayaa sheegay in shirkan oo soconaya 15 illaa 17 September, ay kasoo qeyb-galayaan  Illaa 500 oo Ganacsato ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Ganacsato ka socota Dalalka Mareykanka, Britain, Sweden, Danmerk, Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka, Cumaan, Jaban iyo dalal kale.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Shirkan Maal-gashiga lagu soo bandhigayo Kheyraadka iyo wax soo saarka Puntland, ayna barbar socon doonaan Shirar doceedyo iyo kulamo gaar gaar ah.