Axmed Madoobe oo markii 3-aad ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku guuledystay markii Saddexaad Doorashada Madaxwenaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaddib Doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Doorashada ayaa waxaa ku loolamayay Musharixiin 4 ah oo kala ah; Axmed Maxamed Islaam, Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar, Iyadoona wareegii kowaad uu helay Sadddex meelood oo Labo meel codadka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa helay 56 Cod, halka Canab Maxamed Daahir oo aheyd Musharax labaad ee soo raacay Codadka ay heshay 14 Cod.