Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dhacaysa

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah taariikh-duna ku began tahay 22 August, ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Dowlad Gobaleedka Jubbaland, Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan Musharixiin 5 ah oo ay kamid yihiin; Axmed Maxamed Islaam, Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar, ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka bilabato Magaalada Kismaayo.

Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Talaadadii u jeediyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, Khudbadahooda ay kusoo bandhigayeen waxa u qorsheysan hadii ay guuleystaan.

U diyaar-garowgii ugu dambeeyay Doorashada ayaa ka socda Magaalada Kismaayo, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyay Musharixiinta iyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland.

Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Booliska AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale la hakiyay Gaadiidka Dadweynaha inta ay socoto Doorashada Madaxweynaha 4 Sanno ee soo socota ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.