Madaxweynaha Puntland oo baaq u diray Axmed Madoobe (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe) iyo Guud ahaan Shacabka Jubbaland.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland Axmed Madoobe inuu ka shaqeeyo xalinta Khilaafaadka ka jira gudaha Jubbaland.