Maxkamadda Sare ee Puntland oo maanta go,aan ka gaaraysa Kiiskii Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah markii saddexaad u fariisanaysa dacwada la xiriirta falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

Maxkamada Sare ayaa Labadii fadhi ee hore dhageysatay eedeymaha xeer ilaalinta u jeedisay Xubnaha horay loogu xukumay dilka iyo qareenada u doodaya Xukumanayaasha, waxaana la filayaa in Maxkamada Sare ay Maanta go’aan ka gaarto kiiskaas.

Saddexda Xukumane ee loo heysto falkaas oo lagu kala Magacaabo Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday Maxkamadaha derejada 1-aad iyo rafcaanka Gobolka Nugaal, waxaana ay ka qaateen racfaan.

Mid kamid ah Xukumanayaasha ayaa fadhigii 1-aad ee sabtidii, Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ka hor qirtay inuu kiiskan ka qeybgalay, wallow uu iska fogeeyay in falka dilka ah uu Goobjoog u ahaa.