VIDEO: Maxkamadda Sare PL oo xukun dil ah ku riday Ragii ka dambeeyay Kiiska Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah xukun dil ah ku riday saddexda xukumane ee loo heystay falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

Maxkamada Sare ayaa Labadii fadhi ee hore dhageysatay eedeymaha xeer ilaalinta u jeedisay Xubnaha horay loogu xukumay dilka iyo qareenada u doodaya Xukumanayaasha, Iyadoona Maxkamaddu saaka u fariisatay fadhigii saddexaad.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka  Maxkamadda Sare ee Puntland oo cuskaneya Cadeymaha ay Maxkamaddu u soo gudbiyeen Xeer Ilaalinta Dowladda Puntland ayaa sheegay in Saddexda Xukumane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ay ku cadaatay inay geysteen Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan.

Saddexda nin ee xukunka dilka ah ay ku riday Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday Maxkamadaha derejada 1-aad iyo rafcaanka Gobolka Nugaal, waxaana ay ka qaateen racfaan.