Sanaag: Ciidankii ugu badnaa oo kasoo baxay Somaliland, kuna biiray Puntland

Taliyihii Ciidamada Millateriga Maamulka Somaliland ee Aaga Badhan Guray Cismaan Saalax iyo Ciidankiisii ayaa ka baxay Somaliland, waxaana ay kusoo biireen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyihii degmada Badhan Cabdalle Cabdi Faatax iyo Tiyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray ee Maamulka Somaliland Mr.Casaanyo ayaa iyana kusoo biiray Puntland.

Xerada Ciidamada Maamulka Somaliland ee Degmada Badhan ayana laga taagay calanka Dowladda Puntland.

“Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ‘Deperani’ oo ka hadlay Ciidankan kusoo biiray Puntland.

Bilo kahor ayay aheyd markii ay Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ay kusoo biireen Taliyaashii ciidamada Millateriga ee 91-aad iyo 116-aad ee gobolka Sanaag ee Somaliland, Taliye joogay aagga Degmada Dhahar iyo guddoomiyihii gobolka Badhan ee Somaliland.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli la filayo inuu Maalmaha soo socda uu Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag uu gaaro Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.