Boqortooyadda Sacuudiga oo aqoonsatay Baasaboorka Maamulka Somaliland

Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato baasaboorka maamulka Somaliland, si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xiriirka maalgashi ee dowladda Qatar.

Wargayska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in kadib markii dawlada Qatar ay bilaawday maalgalinta dakadaha Soomaaliya, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka.

Labada dal ayuu wargaysku tilmaamayaa in uu aad u wayn yahay danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in Dowladda Sacuudiga ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay Casuumaad rasmi ah u soo dirtay islamarkaana  uu ka qeyb-galay xajkii sanadkan.

Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ku safreen Baasaboorka Somaliland, taasoo dowladda Sacuudiga ay sheegtay in ay aqoonsatay.