Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo dib u shaqo bilaabay

Ka dib mashquulkii doorashooyinka Jubbaland ee mudada kooban ka socday magaalada Kismaayo waxaa dib u furmay dhammaan Xuduudaha magaalada Kismaayo.

Garoonka magaalada Kismaayo iyo xarumaha dowladda ayaa dib u shaqa bilaabay waxaana magaalada laga dareemaya jawi daganaansho ka dib markii ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo lagu taageerayay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Jawiga iyo Cimilada Magaalada ayaa u muuqda kuwa aad uga qabow sidii hore waxaana magaalada ka da,ay Roobab aan saameyn badan ku yeelan isku socodka gaadiidka iyo dadweynahaba.