Mudug: Nin hubeysan oo weerar ku qaaday Goob ay ka socotay Xaflad Aroos

Nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad ka qeyb galayay Munaasabad Aroos ah, oo ka socotay Degaanka Lulubsho oo hoostaga degmada Hobyo ee Koonfurta Gobolka mudug.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay in rasaasta uu furay Ruuxa hubeysan  uu ku dhintay hal ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 Ruux.

Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in xaaladooda Caafimaad ay Wanaagsan tahay.

Ninka hubeysan ee rasaasta ku furay Arooska ayaa la sheegay in uu baxsaday, islamarkaana hadda ay ku raad jooggaan Odayaasha dhaqanka degaanka.