Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo baaq u diray Siyaasiyiinta (Sawirro)

Odayaasha dhaqanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta kulan iskugu yimaaday ayaa shacabka Jubbaland ugu hambalyeeyay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Odayaasha dhaqanka ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka Jubbaland oo codkooda ugu hiiliyay Madaxweynaha Jubbaland,sidoo kale waxa ay ku ammaaneen gudiga doorashooyinka Jubbaland adkeysiga ay u yeesheen sidii ay ku dhici lahayd doorasho xalaal ah.

Dhanka kale Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa dardaaran u diray Madaxweynaha Jubbaland waxa ayna ilaahey uga baryeen in uu u fududeeyo xilka mar kale loo igmaday.

Waxa ay ugu baaqeen Siyaasiyiinta iyo shacabka Jubbaland in ay la sheeqeeyan madaxweynaha dib loo doortay meelna uga soo wada jeedsadaan cid walba oo ku howlan duminta midnimada Jubbaland.