Ururka Iskaashiga Islaamka oo Jabuuti u muujiyay taageero

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-06-15 12:33:49Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu dowladda Jabuuti ku taageeri doono ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya.

War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya aysan ku jirin.

Kenya ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga noqonaya 15-ka dal ee Golaha Ammaanka.

Hase ahaatee Jabuuti ayaa sheegtay in aysan ka rajo dhigin ololaha ay kursigaas uga jirto, isla markaana ay taageero ka raadsan doonto dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Dalalka ka midka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 57 dowladood, waxayna taas ay ka saacidi kartaa in dowladda Jabuuti ay ku guuleysato Kursigan, marka la gaaro codeynta Qaramada Midoobey oo dhammaan dalalka xubinta ka ah ay si kama dambeys ah ay ugu codeyn doonaan kursiga ay ku tartamayaan Jabuuti iyo Kenya.