Video:-C/nuur Sh. Isxaaq oo loo doortay Af-hayeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland

Guuleed Saalax Barre, ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, kaddib kulankoodii ugu horeeyay oo caawa ay Guddigu ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Guddiga ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga u doortay Jaamac Xirsi Faarax, halka Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq loo doortay afhayeenka guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland Guuleed Saalax, ayaa horey u soo noqday Wasiirka deegaanka Puntland, haatanna waa Agaasimaha machadka Sidra,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka