Ciidanka DANAB iyo kuwa Mareykanka oo weeraray Saldhigii Al-Shabaab ee Sablaale

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya (DANAB) oo ay wehliyaan kuwa Mareykan, ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Sablaale oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Sheegay in Ciidamada kumaandooska ay gudaha u galeen saldhigii Al-Shabaab ee degaanka Sablaale ee gobolka shabellaha Hoose, isla markaana ay ku dileen ugu yaraan 18 dagaalyahan.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal lagu Magacaabo Maxamed Dhuuboow oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda Kenya ay madaxiisa dul-dhigtay laba Milyan oo Dollar sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya hadalkan kasoo yeeray Saraakiisha Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee ku aadan inay howlgal ku dileen saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weli dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.