Dhuusamareeb oo qarka usaaran in uu dagaal xoog leh ka qarxo

Ciidamo taabacsan Dowlada Fadaraalka ah,ayaa saakay ka dagay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Ciidamadan,ayaa la wareegay sida aan xogta ku helayno Xarunta Madaxtooyada ee Galmudug iyo Xarumo kale.

Dhanka kale Culumada Ahlusunna oo horay heshiis ula gashay Dowlada Fadaraalka,ayaa maalin ka hor war ay soo saareen ku sheegay in ay ka baxday Dowladu waxii laysku ogaa.

Sidoo kale waxay ganafka ku dhufteen keenista Ciidamo ka yimaada Xamar oo taabacsan Dowlada Villa Somaliya.

Wararka waxay sheegayaan in Culumada Ahlu-sunna ay Ciidamo xoog leh soo galiyeen Magaalada ayna qarka usaaran tahay in dagaal uu dhexmaro labada dhinac.

Dowlada Fadaraalka ah oo ku fashilantay doorashadii Kismaayo,ayaa xiligan awooda saaraysa in ay guul ka gaarto doorashada Galmudug.