Hoggaamiyaashii Ahlu-sunna oo isaga baxay Dhuusamareeb iyo Hub aruursi haatan socda

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya inay Goor-dhaweyd ay isaga baxeen Hoggaamiyaashii Ururka Ahlu-sunna.

Wararka ayaa sheegaya in Macalin Maxamuud oo ahaa Hoggaamiyaha Kooxda Ahlu-sunna iyo Sh Shaakir oo ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo xubno kale oo katirsan hogaanka Ahlu Sunna ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Dhuusamareeb Saaka.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga halka ay u dhaqaaqen Hoggaamiyaasha Ururka Ahlu-sunna, waxaana jira warar sheegaya in u kicintimeen Degmada Guriceel oo Ururku si buuxda gacanta ugu hayo.

Saraakiil katirsan Ahlu-sunna ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, inuu suura-gal yahay dagaal xooggan oo ka qarxa Magaalada Dhuusa-mareeb uuna haatan socdo kulan u dhexeeya Saraakiisha Ciidanka Ahlu-sunna ee dhowaan ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha Kala soco Idil News.