Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqaya Agaasimayaasha Guud iyo shirar soo gaba-gaboobay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaba-gabeeyay la tashiyo uu waday, kuwaas oo ku aadan magacaabista Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’daha Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaabilayay Waxgarad iyo Haldoorka Puntland, kuwaas oo qaarkood Madaxweynaha la wadaagayay talooyin, halka kuwa kalana ay u gudbiyeen Codsiyo ku Aadan magacaabista shaqsiyaad ay doonayaan.

Wararka laga helayo Madaxtooyadda ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu uu dhameystiray Liiska Agaasimayaasha, uuna Todobaadkan gudihiisa shaacinayo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa horay u magacaabay Agaasimayaal dhowr ah iyo Agaasimayaal Waaxeedyada qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda, wallow uu horey u dib dhigay Magacaabista Agaasimayaasha oo shir uu la yeeshay uu ku amray inay Shaqadooda wataan.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in Magacaabista Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, kaddib uu u amba baxo Degaanada Gobalka Sanaag oo haatan ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland.