Puntland oo si kulul ugu jawaabtay Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland

Dawlada Puntland ayaa Ka Jawaabtey Hadal ka Soo yeedhey Taliyaha Ciidamada Somaliland, kaas oo ku aadanaa in Ciidankii dhowaan ka baxay Somaliland kuna biiray Dowladda Puntland ay ahaayeen, kuwo Mushaar oo kaliya ka qaadan jiray Somaliland, balse aan micno ku fadhin.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Musadaq Soomajeeste, ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Somaliland uu cadeeyay Soomaalida iyo Caalamka in Dadka Gobalada Sool iyo Sanaag ay yihiin Reer Puntland.

“Taliyaha Malayshiyaadka Jabhada SNM Nuux Taani wuxuu Umada Soomaaliyeed iyo Caalamka u cadayey maanta in ay Reer Sanaag iyo Sool yihiin reer Puntland” ayuu yiri Wasiir ku-xigeena Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Degaanada Gobalada Sool iyo Sanaag inay is casilaan xilalka ay ka hayaan Somaliland, kuna soo biiraan Puntland.

“Waxa halkan Talo walaal timo ah u dirayaa dhawrka qof oo ah siyaasiyeenta ka soo jeeda Gobolka Sanaag iyo Sool in ay Go’aan Culus ay qaataan oo iska casilaan Xilalka ay u hayaan maamulka SNM ee Waqooyiga Soomaaliya si ay taariikhda umada Soomaaliyeed inii xusto” ayuu yiri Wasiir Ku-xieegnka arrimaha Gudaha Puntland Musadaq Somajeeste.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo aadaya xilli saaka Shir Jaraa’id oo uu qabtay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland Nuux Taani, uu ku aflaagaadeeyay Ciidankii iyo Saraakiishii ugu sugnaa Aaga Badhan ee dhowaan uga biiray Dowladda Puntland.