VIDEO: Geeddi “Muddo kororsi uma baahna maanta umadda Soomaaliyeed”

Re’iisalwasaarihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, oo ka hadlayay Shirka Dib u heshiisiinta iyo Dimuqraadiyadda waarta ee Garowe ayaa uga digay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo karorsi ay sameeyaan.

“Muddo kororsi uma baahna maanta umadda Soomaaliyeed, Madax ay dooratey u baahantahay umadeenu, ciddi ku riyoonaysana muddo kororsi waxaan aaminahay ineysan u socon doonin, Dowladda maanta xukunka heysana waxaa looga baahanyahay Doorasho ay umaddu doorato madaxdeedu” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Geeddi

Mr. Cali Maxamed Geeddi ayaa intaas ku daray “Xantu waa badantahay Baarlamanka xittaa waxaa ku jira qaar’ aan rajo ka qabin iney soo laabtaan oo leh waa fiicantahay muddo kororsiga labo sano aan isaga darsano, Laakiin Taasi yeeli maayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dastuurkuna uma yaallo Baarlamanka kaliya”