Video:-Sh.Shakuul oo uhanbalyeeyay madaxweyne Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo Cabdiqaadir Cabdirahmaan Khaliif oo kamid ah Siyaasiyiinta ka aragtida duwanaa Madaxweynaha Xiligii Doorashooyinka hadana u istaagay sidii kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed xal looga gaari lahaa loona adkayn lahaa midnimada iyo wadajirka Bulshada.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ka dhagaystay aragtidooda la xidhiidha sidii horay loogu sii socon lahaa loona ilaalin lahaa Midnimada iyo nabadgalyada dalka.

Madaxweynahu wuxuu balan qaaday in uu albaabada u furayo dhamaan dadka ree Jubbaland oo uu u istaagayo sidii uu u hogaamin lahaa Jubbaland Mid ah oo dhamaan dadku ay iska dhex Arkaan wadatashi iyo Midnimana ay sal u tahay.

Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ahaa xubnaha Dowlada Jubbaland ay ku kala aragti duwanaayeen howlaha doorashooyinka,ayaa sheegay inuu u tanaasulay danta shacabka Jubbaland isla markana waxaa uu sheegay in uu u istaagay dib u heshiisiinta iyo Midnimada Reer Jubbaland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka