Booliska Muqdisho oo qabqabtay shaqaale ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidamada booliiska Gobolka Banaadir,ayaa goor dhawayd xiray 3-qof oo ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Ciidan uu hogaaminayo Talyaha Booliiska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John),ayaa saddexdan qof kala baxay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Dadka ay ciidanka wateen waxaa ku jira ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali kana mid ah guddi dhawaan la magacaabay oo ka shaqeynaya xaflada xil wareejinta.

Qof dumar ahayd ayaa ka mid ah dadka la xiray oo shaqaalaha Gobolka ka mid ahayd,
Ilaa iyo hada xog dheeriya lagama hayo sababta loo xiray dadkan.