Ciidanka PMPF iyo Daraawiish-ta Puntland oo howlgallo ka fuliyay Buuraleyda Galgala (Sawirro)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Dowladda Puntland ee PMPF iyo kuwa Daraawiish-ta ayaa howlgal balaaran ka sameeyay Buuraha Silsilada Golis ee Gobolka Bari.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocaydiisa kala duwan ayaa howlgalkooda ku bartilmaameedsanayay Goobo lagu tuhmayay inay ku dhuunaleysanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Deegaannada sida gaarka ah howlgallada Ciidamada uga fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Maraje, Togga Naara, Isha bood, Ceel unkud, Kala dhacda illaa iyo Balqooxle, oo kamid ah Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, sida ay sheegeen Saraakiisha Hoggaaminaysay Ciidamada.

Taliyaha Ururka 1-aad ee Ciidanka kumaandoosta PMPF Korneyl Ayaanle Faarax Jaamac, ayaa sheegay in howlgalkaas oo qaatay muddo Saddex Cisho ah, ay guulo waaweyn ka gaareen Ciidamadu.

Laamaha ammaanka Dowladda Puntland masoo bandhigin waxyaabaha ay ku qabteen howlgalkaas, waxaana Sawirro laga soo qaaday lagu arkayay Ciidamada oo howlgal ka fulinaya Buuraha silsilada Golis ee Gobalka Bari.