Maxay ka wada-hadleen Guddoomiyaasha Labada Aqal ee BFS iyo Madaxweynaha Jabuuti ? (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Walalaha aanahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Gelle.

Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalohoodi Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.

Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan.

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,halkaasi oo ay kulamo kaladuwan kula qaateen madaxda dalkaasi.