Roobab xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Kismaayo (Sawirro)

Biyo ka dhashay Roobabkii 48 – Saac ee la soo dhaafay ka da,ay Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, ayaa fariistay qayba ka mid ah wadada halbowlaha u ah Magaalada.

Dowladda Hoose Kismaayo ayaa saaka bilowday in ay goobaha biyo fariisad ka ah ka nadiifiso biyaha si uu u fududaado isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Gaadiidka qaada booyadaha ayaa lagu arkayay bartamaha Magaalada Kismaayo, Iyagoo Waddooyinka iyo suuqyada ka qaadaya biyaha fariistay, Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaana dadaal ilaalinta bilicda iyo quruxda Magaalada, sida uu sheegay Masuul katirsan Maamulka Dowladda Hoose ee Kismaayo.